|
Ciidamada Itoobiya oo Gaaray Degmada Qoryooleey |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Wednesday, 02 April 2008 |
|
Qoryooleey,(insidesomalia.org)- Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa manta gaaray Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabelaha Hoose, kuwaasi oo qeeyb ka ahaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaanahan Socod ku marayay Deegaanada hoos taga Gobolkaasi.
Ciidamadani Itoobiyaanka oo ka tagay dhanka Degmada Afgooye ayaa manta duhurkii waxaa ay gaareen Degmada Qoryooleey.
Ciidamadani oo si weeyn u feejignaa ayaa waxaa ay fariisin ka sameeysteen gudaha Degmada Qoryooleey in kastoo aan la ogeeyn inta ay ku sii nagaan doonaan.
Taliyaha qeeybta Ciidanka Booliiska Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Ganeey ayaa ka war bixiyay sababta ay Ciidamada Itoobiyaanka u Galeen Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu sheegay in Ciidamadasi lagu war galiyay hadii ay galaan Gobolka ay la kulmayaan iska cabin xoogleh, isla markaana ay ku sugan yihiin kooxo xiriir la leh Al Qaida.
Warar hoose ayaa shegaya in Ciidamadani laga yaabo in ay maalmaha soo aadan u gudbaan dhinaca Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay.
|